1 min read

Sirdoonka Soomaaliya  oo gacanta ku dhigay in ka badan 10 xubnood oo si basaasnimo ah ugu dhax jiray hay’adaha dowladda.

Muqdisho :-Wasiirka Warfaafinta XFS, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jaraa’id ku qabatay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in Hay’adda NISA gacanta ku dhigtay in kabadan 10 basaasiin u ahaa khawaarijta, kuwaas oo ku dhaxjiray hay’adaha Ammaanka.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in kuwa kale oo ay kamid yihiin Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali kuwaas oo ka tirsanaa hay’adaha amniga, isagoo shacabka Soomaaliyeed ku war-galijay in aan lala tacaamuli karin kuwa baxsadka ka ah laamaha amniga dowladda.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta XFS ayaa intaas ku daray in la bilaabay  gabagabeeynta howlgalka wajiga koowaad ee khawaarijta ka dhanka ah, isagoo sheegay in uu dhawaan bilaaban doono wajiga labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.