01 May, 2024
1 min read

Wasiirka Caddaalada oo la kulmay Ergayga gaarka ah ee midowga Afrika ee Soomaaliya.

MUQDISHO :- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud  iyo ergayga gaarka ah ee midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine ayaa kulan ay yeesheen uga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Cadaaladda, dhammeystirka dastuurka iyo adkeynta amniga. waxa ay sido kale hoosta ka xarriiqeen […]

1 min read

RW Xamse “Galabta inaan ku kulanno fagaraahan Heliwaa waxay caddeyn u tahay horumarka laga gaaray amniga”+Sawirro.

Muqdisho :-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta Degmada Heliwaa kaga qayb kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobalka Banaadir. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in amniga Caasimada Muqdisho ahmiyad gaara siisay Xumuumadda #DanQaran taasina ay makhraati ka tahay in maanta degmada Heliwaa lagu qabto kulanka wacyi […]

1 min read

Qaranka iyo Dhuxusha Deriska.!!!

Heerarkii uu soo maray heshiiskii somalida iyo Halka uu u socdo.(F.S:1aad) 1.waxa ay aheyd Laama Geedku waa naga wada dhexeeyaan, Ninba Laantii uu doono Ha harsado, Geedkana aan wada harsano. Waxaa xogay. 2. Geedkaa naga wada dheexeeyo, Laakin, Ninba Laantiisa kaligii ha harsado isaga ayeey u gaar tahay. 3. Geedkaa naga dhexeeyo, Laakin Laanteydu Aniga […]

1 min read

Xulka Gabdhaha kubadda cagta Morooko oo guushii ugu horreeyay ee koobka aduunka gaaray.

Morooko ayaa guusheedii ugu horreysay ee tartanka kubada cagta gabdhaha ee koobka aduunka heshay, kaddib markii ay afka ciida u dartay xul ka gabdhaha ee Kuuriyada Koonfureed. Ibtissam Jraidi ayaa madaxa ugu dhalisay goolkii ugu horreeyay ee xulka kubadda cagta Morooko ay ka dhaliyaan koobka aduunka, iyadoo ku hubsatay goolka kooxda Kuuriyada Koonfureed daqiiqadii lixaad. […]

1 min read

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka Magaalada Baydhaba (Xogta dagaalkaas).

Faah Faahino ayaa ka soo baxaya weerar ay Xybno ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanka Goofgaduud buurey oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Wararka ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Militarida Dawlada Federaalka oo kaashanaya kuwa Maamulka Koofur galbeed iyo Al-Shabaab. Dagaalka ayaa socday Muddo […]

1 min read

Guddiyada Xeer hoosaadka labada Golle ee Baarlamaanka JFS oo kulan wadajir ah yeeshay.

Muqdisho ;-Guddoomiyaha Guddiga Xeer-hoosaadka Aqalka Sare Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Guddiga Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan wadajir ah oo ay maanta yeesheen xubnaha Labada Guddi. Kulanka oo ku saabsanaa kala warqaadasho, iskaashi iyo xoojinta xiriirka shaqo ee labada Gole ee Baarlamaanka, ayaa sidoo kale […]

1 min read

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshad oo la kulmay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Muqdisho :-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed  Cilmi  Ibraahim ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed . Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hay’adda UNICEF ayaa kulan lagu xoojinayo wadashaqeynta labada dhinac, dardar gelinta howlaha taakuleynta qoysaska Nugul iyo ka hortagga Macaluusha carruurta […]

1 min read

Madaxweyne Putin oo sheegay in Ruushku aanu diidanayn wada hadallada nabada

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inaanu diidanayn fikradda wada hadallada Ukraine. Isagoo ka hadlayay kulan uu hogaamiyayaasha Afrika kula lahaa magaalada St Petersburg ayuu tilmaamay in soo jeedinta Afrika iyo Shiinaha ay aasaas u noqon karaan in nabad la helo. Laakiin Mr Putin waxa kale oo uu sheegay inaanay jiri doonin xabad joojin inta […]