1 min read

Wasiirka Caddaalada oo la kulmay Ergayga gaarka ah ee midowga Afrika ee Soomaaliya.

MUQDISHO :- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud  iyo ergayga gaarka ah ee midawga Afrika u qaabishan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Ambassador Mohamed El-Amine ayaa kulan ay yeesheen uga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Cadaaladda, dhammeystirka dastuurka iyo adkeynta amniga. waxa ay sido kale hoosta ka xarriiqeen muhiimadda ay leedahay adkeynta wada-shaqeynta ee u dhexeysa midawga Afrika, ATMIS iyo dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa midowga Afrika uga mahad celiyay taageerda joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.