1 min read

Xulka Gabdhaha kubadda cagta Morooko oo guushii ugu horreeyay ee koobka aduunka gaaray.

Morooko ayaa guusheedii ugu horreysay ee tartanka kubada cagta gabdhaha ee koobka aduunka heshay, kaddib markii ay afka ciida u dartay xul ka gabdhaha ee Kuuriyada Koonfureed.

Ibtissam Jraidi ayaa madaxa ugu dhalisay goolkii ugu horreeyay ee xulka kubadda cagta Morooko ay ka dhaliyaan koobka aduunka, iyadoo ku hubsatay goolka kooxda Kuuriyada Koonfureed daqiiqadii lixaad.

Xul ka gabdhaha ee Morooko ayaa qiimaynta xulal ka aduunka uga jira kaalinta 72-aad, halka xulka ay ka adkaadeen ee Kuuriyada Koonfureed ay qiimaynta uga jiraan kaalina 17-aad.

Gabadha lix iyo toban jir ka ah ee badalka ku soo gashay ee Casey Phair una ciyaaraysay Kuuriya koonfureed ayaa ciyaarta laga saaray, kaddib markii kaar ka cas loo taagay.

Gabadha daafaca ka ciyaarta ee xulka Morooko ee Nouhaila Benzina ayaa taariikh cusub u dhigtay koobka kubada cagta aduunka ee gabdhaha, waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay oo iyadoo xijaab xiran koob kan ciyaarta.

Xul ka gabdhaha Kuuriyada Koonfureed ayaa laga badiyay labadii ciyaarood ee ay dheeleen, halka xulka Morooko kulan koodii koowaad lix iyo eber looga badiyay.