1 min read

Guddiyada Xeer hoosaadka labada Golle ee Baarlamaanka JFS oo kulan wadajir ah yeeshay.

Muqdisho ;-Guddoomiyaha Guddiga Xeer-hoosaadka Aqalka Sare Senator Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Guddiga Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud ayaa shir guddoomiyay kulan wadajir ah oo ay maanta yeesheen xubnaha Labada Guddi.

Kulanka oo ku saabsanaa kala warqaadasho, iskaashi iyo xoojinta xiriirka shaqo ee labada Gole ee Baarlamaanka, ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray samaynta Xeer-hoosaad gaar ah oo ka dhexeeya Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.