1 min read

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshad oo la kulmay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Muqdisho :-Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Maxamed  Cilmi  Ibraahim ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed .

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Hay’adda UNICEF ayaa kulan lagu xoojinayo wadashaqeynta labada dhinac, dardar gelinta howlaha taakuleynta qoysaska Nugul iyo ka hortagga Macaluusha carruurta Soomaaliyeed ku yeeshay xarunta Wasaaradda Shaqada.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim oo aad ugu faraxsan kulanka iyo Isbarashada uu la qaatay mas’uuliyiinta Hay’adda UNICEF.

“Waxaan xoogga saari doonnaa sidii aan u garab istaagi lahayn bulshada, gaar ahaan kuwa nugul. ” Ayuu yidhi Wasiir Dr. Maxamed Cilmi, sidoo kale waxuu  boggaadiyay howlgalka UNICEF.

Wakiilka hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil, ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Wasiirka , xoojinta iskaashiga, iyadoo inta ku dartay inay ka go’antahay UNICEF horumarinta barnaamijka ay kala shaqeynayaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo taageerrada Bulshada.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob -joog u ahaa , Wasiiru Dawlaha, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka ,Mudane Cismaan Libaax Ibraahim, Agaasimaha Guud, Mudane Yuusuf  Xassan Isaak, Madaxa barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullahi iyo xubno ka tirsan hay’adda UNICEF.

Hay’adda UNICEF, ayaa Wasaaradda kala shaqeysa barnaamijka Qaran ee taageerrada Dadka nugul (Baxnaano) , gaar ahaan Xog-kaydiyaha Bulshada (Unified Social Registry),