23 Apr, 2024
1 min read

Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula wareegay xarumihii ay banneeyeen ciidanka ATMIS.

Muqdisho :- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in ciidanka Qaranku si buuxda ula wareegay xarumihii ay banneeyeen Ciidanka ATMIS. ” Waxaan maanta halkan u joognaa inaan si rasmi ah aan u shaacino una sheegno inaan la wareegnay xarumihii ay banneeyeen labo kun oo ka mid ah ciidanka ATMIS,taas oo […]

1 min read

Golaha Wasiirada oo ka wada hadlay Wajiga labaad ee dagaalka ka danka ah Al-Shabaab.

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo yeeshay maanta  kulankoodii caadiga ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah. Golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka, taasoo la xiriirta diyaar garoowga wajiga labaad ee hawlgallada dalka looga saarayo […]

1 min read

Xeer Ilaalinta Qaranka oo soo bandhigay Dacwad ka dhan ah 18 mas’uul oo ay ku jiraan 9 baxsad ka ah cadaaladda

Muqdisho :- Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud oo maanta magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabatay ayaa soo bandhigay liiska 18 mas’uuliyiin dowladeed ah, kuwaas oo 9 kamid ah baxsad ka yihiin cadaaladda. Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in Maxkamadda Gobolka Banaadir loo gudbiyay liiska 18 ruux oo ku eedeysan been anuur dukminti ,lunsasho […]

1 min read

Diyaaradaha Kenya oo duqeyn ka geystay degaano katirsan gobolka Gedo.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa a sheegayaan in diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ay saacadihii la soo dhaafay duqeymo dhinaca cirka ka geysteen degaanka Ceel-Cadde ee Gobolkaasi Gedo. Duqeymaha oo soo billaawday xalay ayaa saaka markale ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen degaanka Ceel-cadde, waxaana ka dhashay khasaaro isugu […]

1 min read

Koox-howleedka Farsamo ee Xalka waara ee Galmudug oo laga hirgeliyay Dhuusamareeb.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa daah-furay Koox-howleedka Farsamo ee Xalka Waara ee Maamul Goboleedka Galmudug oo ka dhacday caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb. Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabadda lagu daah-furayay Koox-howleedka Farsamo ee Xalka waara ee […]

1 min read

Ka bixitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo wajigii kowaad la soo gabagabeyay.

Hogwalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS oo hore loo oran jiray AMISOM, ayaa soo gabagabeyay wajigii kowaad ee dhimista ciidamo gaaraya 2 kun oo askari, iyadoo ammaanka goobaha ay ka baxeenna lagu wareejinayo ciidanka xooga dalka Soomaaliya. Ciidamada ATMIS oo ka koobnaa 18,568 askari waxii ka horeyay bishii Deceember ee sanadkii tagay ayaa […]

1 min read

Muxuu ka yiri dagaalka Laascaanood xildhibaanka u olaoleeya in Somaliland aqoonsi hesho?

Sir Gavin Williamson oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa laba maalin ka hor baarlamaanka dalkiisa hor geeyey sharci uu dalkiisa ku aqoonsanayo Somaliland, ayadoo hadafku yahay in meesha laga saarayo caqabaddaha dhanka diblumaasiyadda ee ku horgudbanaa muddo badan agoonsiga Somaliland. Waxaa uu sheegay xildhibaan Gavin in Somaliland, ay wax badan oo horumar […]

1 min read

Faransiiska oo loogu baaqay inuu wax ka qabto ‘cunsuriyadda’ ay ku kacaan ciidamadiisa Boolisku

Iyada oo ay hoos u dhaceen rabshadihii muddada toddobaadka ah ka socday dalka Faransiiska, ayaa haatan Qaramada Midoobay iyo ururada xuquuqda aadanaha ee caalamiga ahi, waxay soo saareen baaqyo ku socda xukuumada Faransiiska, gaar ahaan inay dib u habayn ku sameeyaan ciidamadooda booliska, ayna joojiyaan dhaqankooda ku salaysan beegsiga dadweynaha qaarkood. “Dowladdu waa inay qaaddaa […]