1 min read

Faransiiska oo loogu baaqay inuu wax ka qabto ‘cunsuriyadda’ ay ku kacaan ciidamadiisa Boolisku

Iyada oo ay hoos u dhaceen rabshadihii muddada toddobaadka ah ka socday dalka Faransiiska, ayaa haatan Qaramada Midoobay iyo ururada xuquuqda aadanaha ee caalamiga ahi, waxay soo saareen baaqyo ku socda xukuumada Faransiiska, gaar ahaan inay dib u habayn ku sameeyaan ciidamadooda booliska, ayna joojiyaan dhaqankooda ku salaysan beegsiga dadweynaha qaarkood.

“Dowladdu waa inay qaaddaa tallaabooyin degdeg ah oo dib u habayn loogu samaynayo nidaamka booliisku ay ku joojiyo dadweynaha,” sidaasi waxaa bayaan ay soo saareen ku sheegay illaa lix urur oo xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa oo ay ka mid yihiin Human Rights Watch iyo Amensty International.

Ravina Shamdasani oo ah afhayeenka xafiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in la joogo xilligii uu Faransiisku, si qoto dheer wax uga qaban lahaa arrimaha khuseeya cunsuriyadda iyo midab-takoorka ay ku kacaan laamaha ammaanku.

Baaqyadan ayaa daba socday, ka dib toogashadii ay ciidamada booliska ee dalka Faransiisku ay u geysteen wiil yar oo u dhashay dalka Faransiiska, hase ahaatee asal ahaan ka soo jeeda dalka Aljeeriya, kaas oo lagu magcaabi jiray Nahel Merzouk. Toogashadaas ka dib waxaa dalkaas gilgilay mudaharaado xooggan oo rabshado watay, kuwaas oo khasaare xooggan soo gaadhsiiyey dalka Faransiiska.

Waxaa qoray Akmal Dawi