1 min read

Koox-howleedka Farsamo ee Xalka waara ee Galmudug oo laga hirgeliyay Dhuusamareeb.

Madaxweyne ku-xigeenka Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa daah-furay Koox-howleedka Farsamo ee Xalka Waara ee Maamul Goboleedka Galmudug oo ka dhacday caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay munaasabadda lagu daah-furayay Koox-howleedka Farsamo ee Xalka waara ee Galmudug.

Ujeeddada ugu weyn ee Koox-howleedka Farsamo ee Xalka waara ee Galmudug ayaa ah in ay sii xoojiso wada-shaqeynta Wasaaradaha iyo Hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyadda la xariira xalka waara ee laga fulinayo gudaha Maamulka Galmudug.