1 min read

Ciidamada Xoogga Dalka oo si buuxda ula wareegay xarumihii ay banneeyeen ciidanka ATMIS.

Muqdisho :- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in ciidanka Qaranku si buuxda ula wareegay xarumihii ay banneeyeen Ciidanka ATMIS.

” Waxaan maanta halkan u joognaa inaan si rasmi ah aan u shaacino una sheegno inaan la wareegnay xarumihii ay banneeyeen labo kun oo ka mid ah ciidanka ATMIS,taas oo ah heshiiskii horay loo galay, waxaa xaqiiq ah walaalaheen ATMIS oo muddo nala joogay in ay shaqo wanaagsan nala qabteen, waqtina ay geliyeen amniga Dalka si ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen amni fiican”, ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa qiray in ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ay gaareen heer lagu haleyn karo amniga dalka una diyaargarowbeen inta ka dhiman dhammaadka 2024, oo ku aasteysan bixidda askariga ugu dambeeya ee ciidamada ATMIS.

Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhiga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahadceliyay ciidamada ATMIS iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay inuu fulo waajibaadkaas qaran ee loo xilsaaray wasaaradda Gaashaandhiga iyo taliska ciidamada xoogga Dalka.