1 min read

Muxuu ka yiri dagaalka Laascaanood xildhibaanka u olaoleeya in Somaliland aqoonsi hesho?

Sir Gavin Williamson oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa laba maalin ka hor baarlamaanka dalkiisa hor geeyey sharci uu dalkiisa ku aqoonsanayo Somaliland, ayadoo hadafku yahay in meesha laga saarayo caqabaddaha dhanka diblumaasiyadda ee ku horgudbanaa muddo badan agoonsiga Somaliland.

Waxaa uu sheegay xildhibaan Gavin in Somaliland, ay wax badan oo horumar ah gaartay muddadii ay aqoonsiga raadineysay. Waraysi uu siiyay BbcSomali, ayuu sidoo kale kaga hadlay dagaalka Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada deegaanka.