May 2023
Kaararka codbixinta doorashooyinka Somaliland oo Maanta billaabanaya.
Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in kaar qaybinta dadkii ka qaybqaatay diiwaangalinta doorashadu uu bilaabmi doonto Maanta oo taariikhdu tahay 31 bishan May. Koomiishanka Doorashooyinka ayaa munaasibad lagu qabtay magaalada Hargaysa ku shaaciyay bilowga qaybinta kaarka codbixinta, iyado shaqaalihii iyo gaadiidkii qaybinayay kaararka loo kala diray gobolada. “Koomiishanka doorashoyinka Somaliland wuxuu ku wargalinayaa […]
Dagaallo culus oo mar kale ka dhacay magaalada Khartuum.
Khartoum:- Isku dhacyo xooggan ayaa laga maqlayay caasimadda Suudaan goor dambe oo Talaadii aheyd, sida ay sheegeen dadka deegaanka, ka dib markii kooxaha millatari ee dagaallamayay in ka badan lix toddobaad ay ku heshiiyeen in la kordhiyo xabbad-joojinta looga golleeyahay in gargaarka loo oggolaado dadka rayidka ah. Ciidanka iyo Xoogaga Taageerada Degdega ah ee (RSF) […]
Navigating the two sides of Somalia’s capital Mogadishu.
In our series of letters from African journalists, Soraya Ali tries to reconcile between the idyllic image of Somalia that she grew up with and its reputation as a hostile place. Until a few weeks ago I’d never been home. A country where I speak the language, and look like everyone else but had never […]
Mogadishu iyo Caano Quraansho.=FAALLO=
Nin Laashin ah oo shirbaya ayaa yiri: ( Quraansho ma qabtaa qandhuur, Quruxse meeysku qaadataa ??? ) . Su’aasha Laashinka Aniga oo la yaaban, una la’ Jawaab, ayaa Arkay Mas’uuliyiintii Dowladda Hoose ee Xamar, oo Shacabka ku leh: waxaan idinka Dharjinaynaa Caana laga soo lisay Quraansho, Maamul aan la kala leheyna waxaa idiin dhisayo Wasaaradda […]
Deni “waa in Somaliland ay qayb ka ahaataa wadahadal kasta oo looga hadlayo arrimaha Soomaalida”.
Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay wareysi dhowaan laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ay la yeelaty safiirka mareykanka ee Soomaaliya isla markaana muddo xileedkiisa uu sii dhamaanayo. Deni ayaa yiri “ waxa aan rabaa marka hore in aan soo dhoweeyo wareysi uu bixiyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka ee hadda la baddalay, mar uu […]
Dowladda Mareykanka oo cunaqabateyn saartay shirkado ka shaqeeya sarrifka.
Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogay laba shirkadood oo u adeega lacagta Suuriya. Shirkadda sarifka lacagaha ee Al-Fadel Exchange iyo Al-Adham ayaa lagu eedeeyay in ay dowladda Suuriya ka caawisay in ay hesho nidaamka maaliyadda caalamiga ah taas oo xad gudub ku ah cunaqabateyntii hore. Tallaabooyinka ciqaabta ah ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee ay […]
Cunto kariyihii Kooxda Arsenal oo iska casishay shaqadii ay kooxda u heysay.
Bernice Kariuki oo asal ahaan ka soo jeeda Kenya ayaa iska casishay shaqadii cunto kariyaha gaarka ah ee Arsenal kaddib labo sano oo ay joogtay naadiga Premier League ee dalka Ingiriiska. Waxay ku dhawaaqday bixitaankeeda iyadoo Arsenal ay guul weyn ka gaartay Wolverhampton Wanderers Axadii, iyadoo ku badisay 5-0 si ay xilli ciyaareedka ugu dhameysato […]
La soco Xog dheeri ah oo ku saabsan dagaalkii Masagawaay oo faah faahsan.
Masagawaay:- Laba sarkaal oo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay idaacadda VOA Somali in dagaallo qaraar ay ka dhaceen magaalada Masagawaay maanta kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen. Labada sarkaal, oo magacooda codsaday inana la sheegin maadaama aan loo oggolayn inay saxaafadda la hadlaan, ayaa sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay soo galeen magaalada, kadibna ay […]
Saciid Deni oo ka horyimid heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay sida uu u arko heshiiskii ay toddobaadkan gaareen madaxda federaalka iyo madaxda afarta maamul goboleedka ee kale iyo duqa magaalada Muqdisho. Madaxa Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegay inay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo ay ku tartamayaan laba xisbi […]
Xildhibaan Soomaali ah oo loo doortay baarlamanka Alberta, Canada.
EDMONTON:- Xisbiga United Conservative Party (UCP) ee Canada ayaa mar kale kuraas aqlabiyad ah ku guuleystay doorashada gobolka Alberta oo dhacday Isniintii shalay. Dhanka Soomaalida, waxey markii ugu horreysay yeesheen xildhibaan heer gobol oo ku matala baarlamanka gobolka Alberta, kaasoo guul kasoo hooyey magaalada Edmonton ee caasimadda gobolkaasi Alberta.