1 min read

Deni “waa in Somaliland ay qayb ka ahaataa wadahadal kasta oo looga hadlayo arrimaha Soomaalida”.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay wareysi dhowaan laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ay la yeelaty safiirka mareykanka ee Soomaaliya isla markaana muddo xileedkiisa uu sii dhamaanayo.

Deni ayaa yiri “ waxa aan rabaa marka hore in aan soo dhoweeyo wareysi uu bixiyay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka ee hadda la baddalay, mar uu ka hadlayaygolaha wadatashiga iyo in arrimaha taagan ee Soomaaliya in laga wada tashado, oo uu ugu baaqay Somaliland in ay qayb ka ahaato ay timaado, anaguna waxa aan leenahay haddii la rabo 30 sano xasilooni la’aanta jirto ay tahay waxaan ugu baaqayaa Soomaalida oo wada jirto in ay meel isugu imaato oo Somaliland ay ku jirto, oo si dhab ah loo wada hadlo oo laga wada hadlo maxaa dalkaan dan u ah”

Madaxweynaha Puntland oo hadakiisa sii wata ayaa yiri “ inta lakala maqanyahay wixii lasoo saaro waa wax aan miro dhal ahayn, mowqifka Puntland horay ayaan caddeynay dastuurka ayey ku dhigantahay, waxa aan dooneyno waa dal Soomaaliyeed oo wada jira oo heshiis ah oo dimoqoraadi ah oo federal ku saleysan.”

Halkan hoose ka daawo wareysiga safiirka Soomaaliya ee Mareykanka uu kaga hadlay arrinta khilaafka dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.