1 min read

Dowladda Mareykanka oo cunaqabateyn saartay shirkado ka shaqeeya sarrifka.

Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogay laba shirkadood oo u adeega lacagta Suuriya.

Shirkadda sarifka lacagaha ee Al-Fadel Exchange iyo Al-Adham ayaa lagu eedeeyay in ay dowladda Suuriya ka caawisay in ay hesho nidaamka maaliyadda caalamiga ah taas oo xad gudub ku ah cunaqabateyntii hore.

Tallaabooyinka ciqaabta ah ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee ay Washington ku soo rogtay Dimishiq tan iyo markii Suuriya dib loogu celiyay Jaamacadda Carabta horraantii bishan.

Mareykanka ayaa sheegay in aysan caadi ka dhigi doonin xiriirka kala dhexeeya nidaamka madaxweyne Assad, waxaana ay rumeysan yihiin in waddanku uusan u qalmin in dib loogu celiyo laba iyo labaatanka xubnood ee Ururka.