2 mins read

La soco Xog dheeri ah oo ku saabsan dagaalkii Masagawaay oo faah faahsan.

Masagawaay:- Laba sarkaal oo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay idaacadda VOA Somali in dagaallo qaraar ay ka dhaceen magaalada Masagawaay maanta kadib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen.

Labada sarkaal, oo magacooda codsaday inana la sheegin maadaama aan loo oggolayn inay saxaafadda la hadlaan, ayaa sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay soo galeen magaalada, kadibna ay xerada ciidanka ka qaateen baabuur.

Mid ka mid ah saraakiisha ayaa VOA u sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka horyimaadeen ciidamo kasoo gurmaday magaalada Ceeldheer kuwaasi oo dagaal xooggan la galay, waxaana ciidankaasi ay ku guulaysteen inay al-Shabaab kala wareegaan hubkii iyo baabuurtii ay ka qaateen saldhigga hore, sida uu sarkaalkaasi sheegay.

Tobannaan dhimasho ah ayaa la sheegay inay labada dhinac ka dhex dhacday.

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta rasmi ahaan u sheegtay in ciidamada dawladdu ay fashiliyeen weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen magaalaa Masagawaay ee gobolka Galguduud ee maamul goboleedka Galmudug.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dawladdu ay sii ogaayeen weerarka ay damacsanaayeen al-Shabaab, kadibna ay ka hortageen.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay dileen in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab, ayna qabsadeen saddex baabuur oo ay adeegsanayeen. Dawladdu waxay sheegtay saddex ka tirsan ciidamada dawladda inay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Dhinaca kalena, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay in weerarka ay ku qaadeen Masagawaay iyo weerar kale oo dhabba-gal ah oo ay u gaysteen ciidamo gurmad ah oo ka yimid dhinaca Ceeldheer ay ku dileen 73 ka tirsan ciidamada dawladda.

Wararka ku saabsan dhimashada labada dhinac ayaan si madaxbannaan loo xaqiijin.

Dadka degaanka ku sugan ayaa xaqiijiyey iska horimaad ka dhacay magaalada kadib weerar ay al-Shabaab soo qaadeen. Isku day ay VOA samaysay oo ay kula xiriirtay saraakiisha ciidanka waa ay noo suurtogeli weyday ilaa haatan inaan khadka telefoonka ku helono.

Dhinaca kale, hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay qaadeen hawlgal wadajir ah oo ay kaga dabatagayaan maleeshiyaadka al-Shabaab ee Jimcihii weerarka kusoo qaaday taliska ciidamada ATMIS ee magaalada Buulo Mareer.

War ay ATMIS ay ku baahisay barta twitter-ka ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu dilay tiro door ah oo ka tirsan al-Shabaab, islamarkaana lagu soo furtay hubkii ay ka qaateen xerada ciidanka ee Buulo Mareer.

Dawladda Ugadan ayaa guddi saraakiil ciidan ah usoo dirtay Soomaaliya si a baadhaan sida weerarkaasi u dhacay.