May 2023
Al-Shabaab oo la sheegay inay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada dowladda ee degaanka Masagaway iyo faah faahin ka soo baxeysa.
Waaberigii hore ee saaka ayaa waxaa la sheegay in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weera ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ku leeyihiin degaanka Masagawaay ee Gobolka Galgaduud. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in marka hore ay maqleen jugta qarax xoogan kadibna uu xigay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda oo kaashanaya […]
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Isimada Dhaqanka Gobolka Sool maxay ka wada hadleen?.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan Casho Sharaf ah la qaatay qaar ka mid ah Garaadada oo ka soo kicitamay magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Garaadada kala hadlay xaaladda magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, waxa uuna muujiyey sida aan loo aqbali karin in ay sii socoto xabadda […]
Madaxweynaha Mareykanka oo usoo hambalyeeyay Erdogan.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray Recep Tayyip Erdoğan, isagoo ugu hambalyeeyay mar kale xilka madaxtinimada. Isagoo la hadlayay suxufiyiinta ka hor inta uusan ka tagin Aqalka Cad, ayuu Biden sheegay in Erdogan uu kusoo qaaday iibinta diyaaradaha dagaalka ee F16, isagoo dhanka kalena ka hadlay xubinnimada Sweden ee NATO, sida ay […]
Imaaraadka oo ku dhawaaqay inuu hawada sare ka samayn doono sahan ballaaran.
DUBAI – Dalka Isu-tagga Imaaradka Carabta ayaa shaaciyey Isniintii qorshe ay hawada sare ugu dirayaan dayax-gacmeed sahan ku soo sameeya, walxo-cireedyada ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System). Dayax-gacmeedkan cusub ayaa la filayaa inuu shaqadiisa bilaabo sannadka 2028, taasoo laga yaabo inuu jaro xawaare gaadhaya illaa 33,000 oo KM saacaddii, wuxuuna safarkiisu qaadan doonaa muddo toddoba sannadood […]
Colaada Sudan oo laga gaadhay heshiis cusub oo xabad-joojin ah.
Dhinacyada ku dagaalamaya dalka Sudan ayaa heshiis ku gaadhay inay wakhtiga u kordhiyaan heshiiska xabbad-joojinta ah ee aan cagaha adag ku taagnayn, ka dib markii laba ka mida dhexdhexaadiyayaasha caalamiga ahi ay muujiyeen sida ay uga niyad jabsan yihiin xadgudubyada soo noqnoqda ee ka dhanka ah heshiisyada xabbad joojinta ah ee ay labada dhinac saxeexaan. […]
Niger oo sheegtay inay dishay 55 xubnood oo ka tirsan urur xiriir la leh Daacish.
NIAMEY, NIGER – Ciidamada dalka Niger ayaa Isniintii sheegay inay dileen 55 xubnood oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ee xidhiidhka la leh ururka Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare. Hawlgalkan oo socday muddo 22 maalmood ah, ayaa la soo gebagebeeyey maalinimadii Axaddii, iyada oo la bartilmaameedsaday goobaha ay ka degan yihiin kooxaha […]
Kulankaasi sanadlaha ee jaaliyada Zwolla ee dalka Holland
Kulan Sanadlaha ahaa ayaa jaaliyada soomaliyed ee kudhaqan magalada Zwolla lugu qabtay. Kulankaasi ayaa waxaa lugu soo bandhigay wax qabadka jaaliyada sanadkii tagay iyo sanadkan hada socoda hoolka ay higsanayaan jaaliyada soomaliyed ee ku dhaqan magalada Zwolla iyo nawaxigeyda. Gudoomiyaha jaaliyada Zwolla Cabdulqadir Cali Nuune mar uu lahadlayay shacabka jaaliyada waxaa uu shegay sanadiihi adkay […]
Dowladda Liibiya oo xukun dil ah ku ridday 35 nin oo ka tirsanaa Daacish.
Maxkamad ku taalla dalka Liibiya ayaa lagu soo warramayaa in ay xukun dil ah ku ridday 35 qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish. Saddex iyo labaatan kale ayaa lagu xiray, halka Shan qofna lagu waayay dambiga. Eedeysanayaasha oo dhamaantood la haystay tan iyo bishii Disembar 2016-kii waa kooxdii ugu horreysay […]
Isu soo bax lagu taageerayay Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo ka dhacay Muqdisho +Sawirro.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS Maamulka Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale ayaa galabta ka qeyb galay dibadbax nabadeed oo ay Bulshada magaalada Muqdisho ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin dib u doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdogan. Dibadbaxaan oo ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ayaa […]
Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka JFS+Sawirro.
1. Guddoonka labada gole ee BFS; 2. Ra’iisul Wasaaraha XFS 3. Xildhibaanada labada gole ee BFS; 4. Mudanayaal iyo marwooyin. Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu; Ugu horreyn, waxaan u mahadcelinayaa ALLE SWT ee inoogu nimceeyay in si nabad ah isugu nimaanno goobtaan si aan u gudano waajib ka mid ah waajibaadyada ay shacabkeena inoo xilsaaray. Marka […]