1 min read

Mogadishu iyo Caano Quraansho.=FAALLO=

Nin Laashin ah oo shirbaya ayaa yiri:

( Quraansho ma qabtaa qandhuur, Quruxse meeysku qaadataa ??? ) .

Su’aasha Laashinka Aniga oo la yaaban, una la’ Jawaab, ayaa Arkay Mas’uuliyiintii Dowladda Hoose ee Xamar, oo Shacabka ku leh:
waxaan idinka Dharjinaynaa Caana laga soo lisay Quraansho, Maamul aan la kala leheyna waxaa idiin dhisayo Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dowladda Hoose iyo Heritage, waxaana ka codeynayo Danleey aan Deegaanka aheen . Laakin Magaaloyinka kale ee Dalku iyaga Odayaashoodaa u dhisayo Maamulada heer Deegaan, Lo’doodana iyagaa lisanyo.

Waxaa iiga sii yaab Badneed Shacab leh, Sax weeyaan, sax weeyaan.

Shacaba Mogadishu waa taageersan yihiin in Qof iyo Cod ay noqoto Doorashaa Guud ee Heer Qaran iyo tan Heer Maamul Gobaleed, taana waa ku saxan yihiin

Laakin tan Deegaanda waxaa u madaxbanaan Dadka Deegaanka intaan Xamar ka aheyn, waa Caana Quraansho Caba iyo Hertaan haleeysku hoogo.
Hoos galiskaa Doqon ma garatada ah Maya, Maya.

Waxaan Jawaab ka sugaa Qabyaaldiistaha is qarinayo ee Qolkiisa soo xirtay ee Iridaada garaacayo.

Ogow, Mogadishu xaqa deegaan kaaga ayeey ula siman tahay. Qof kasta xaqa deegaankiisa ha loo dhowro hana la isku xushmeeyo, Doorasho Qof iyo Cod ah ma diidanin, Laakin, Dulmi Dad loogu gaar yeelay Maya. Dadka Doqon how maleeyn. Dadkana yaan la isagu barxin farqiga u dhexeeyo xuquuqda deegaan iyo mida Caasimadda oon looga dhigin Caano Quraansho.

Qore: Yahya Amir