April 13, 2023
Muwaadiniin Kenyan ah oo haysasha hub sharci darro ah loogu xiray Uganda.
32 qof oo Kenyan ah ayaa maxkamad milatari oo fadhigeedu yahay degmada Moroto ee waqooyi bari Uganda ku xukuntay 10 sano oo xarig ah. Waxaa lagu helay dambi ah in ay si sharci darro ah u haysteen hub iyo rasaas, iyo sidoo kale haysashada rasaas sharci darro ah – dambiyada lagu qaadi karo maxkamad militari […]
Mareykanka oo cunaqabatayn kusoo rogay shirkado Turkish ah.
Washington — Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii cunaqabatayn kusoo rogtay ugu yaraan afar shirkad oo fadhiggoodu yahay Turkey, kuwaas oo ay sheegtay inay jebiyeen xayiraadaha Mareykanka ee saaran Ruushka, islamarkaana ka caawiyeen dagaalka Ukraine. Waa tallaabadii ugu cusleyd ee Mareykanka uu qaado ee ka dhanka ah Turkey, tan iyo markii uu billowday duulaanka Ukraine. Shirkadaha xayiraadaha […]
Maraykanka oo taageeraya wada hadalada Soomaaliya iyo Somailand.
Safiirka xilka kasii dagaya ee dowladda Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Andre Larry ayaa sheegay dowladdiisa ay ka go’an tahay ka miro dhalinta wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland. Hadalkaan ayuu safiirku ku sheegay kulan qadka taleefonka ah oo uu la yeeshay ergayga Gaarka ah ee Aarrimaha Somaliland Abdikarim Hussein Guled. Ergayga iyo danjiraha ayaa kawada hadlay […]
Cudur laga qaado shimbiraha oo laga helay Shiinaha.
Haweeneey u dhalatay Shiinaha ayaa noqotay aadanihi ugu horreeyay oo u dhinta nuuc cusub oo ka mid ah hargabka ku dhaca shimbiraha, kaas oo ay WHO ugu magac-dartay H3N8. Laanta Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in cudurkaan dhif iyo naadirka ah lagu arkay Shiinaha, hase yeeshee uu u muuqdo mid aanan ku dhex faafeyn […]
Shirkadda Hormuud oo Xulka Qaranka 17-jirrada Somalia gudoonsiisay lacag deeq ah.
Xulka Qaranka 17-jirrada Somalia ayaa isu diyaarinaya inuu markii ugu horreeysey ka qaybgalo Tartanka 17-jirrada Qaaradda Afrika oo ka furmi raba dalka Aljeeriya, maadaama ay yihiin Horyaallada Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waxaa haatan Xulka Qaranka lacag deeq ah guddoonsiisey shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ay xarunteedu tahay magaalada Muqdisho. ”Waxaan ku faraxsan nahay in aan $20,000 […]
“Garaad haddaad leedihiin meel aan xad jirin haka goobinina!” – Shiinaha oo usoo jawaabey Somaliland.
Danjiraha dalka Somalia u fadhiya Shiinaha, Fei Chegchao ayaa kasoo jawaabey qoraalkii uu saacado kahor soo saaray Maamulka Somaliland oo uu ku weeraray dhoollatuska Shiinaha ee Marinka Taiwan. Somaliland oo sheegtay inay garab taagan tahay Taiwan ayaa tiri sidatan: ”Xuduudaha qaran ee jira ee waddan waa in la ixtiraamo lagana ilaaliyo argagixisada kusoo duusha ama khatar […]