1 min read

Shirkadda Hormuud oo Xulka Qaranka 17-jirrada Somalia gudoonsiisay lacag deeq ah.

Xulka Qaranka 17-jirrada Somalia ayaa isu diyaarinaya inuu markii ugu horreeysey ka qaybgalo Tartanka 17-jirrada Qaaradda Afrika oo ka furmi raba dalka Aljeeriya, maadaama ay yihiin Horyaallada Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Waxaa haatan Xulka Qaranka lacag deeq ah guddoonsiisey shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ay xarunteedu tahay magaalada Muqdisho.

”Waxaan ku faraxsan nahay in aan $20,000 ugu deeqnay ciyaaryahannada Xulka Qaranka U17, oo berri u ambabaxaya in ka qeybgalaan tartanka qaramada qaaradda Afrika, oo 29-ka April ka furmaya dalka Algeria,” ayaa lagu bilaabay qoraal kooban oo kasoo baxay Hormuud.

”Waxaana rajaynaynaa in ay mar kale guul nooga soo hooyaan tartanka 17-jirrada qaramada qaaradda Afrika.” ayuu u dhignaa qoraalku.

May be an image of 9 people and people playing soccer