1 min read

“Garaad haddaad leedihiin meel aan xad jirin haka goobinina!” – Shiinaha oo usoo jawaabey Somaliland.

Danjiraha dalka Somalia u fadhiya Shiinaha, Fei Chegchao ayaa kasoo jawaabey qoraalkii uu saacado kahor soo saaray Maamulka Somaliland oo uu ku weeraray dhoollatuska Shiinaha ee Marinka Taiwan.

Somaliland oo sheegtay inay garab taagan tahay Taiwan ayaa tiri sidatan:

”Xuduudaha qaran ee jira ee waddan waa in la ixtiraamo lagana ilaaliyo argagixisada kusoo duusha ama khatar dibadeed” ayuu lagu bilaabay qoraalka. Laakiin dhoollatuska Shiinuhu, dhab ahaantii, waxayku xadgudbayaan maqaamka haatan ee Marinka Taiwan.”

Yeelkeede, Danjiraha Shiinaha u fadhiya Muqdisho ayaa si jees jees ah uga jawaabey hadalka Somaliland, isagoo warkiisa kula kajamay in aan guri reer xad loo yeelin meel aan xad jirinna aan laga raadin.

”Waad ku mahadsan tihiin taageeradiinna, balse dadka garaadka lihi guryaha dhexdooda xuduudo kama samaystaan.” ayuu kusoo qoray Twitter-ka.

May be an image of 1 person and text that says 'MFA Somaliland @somalil... 4h A country's existent national borders are to be respected and protected against terrorism infiltration or external threats, but #China' s drills are, in fac... 山 t3 18 FEI Shengchao 费胜潮 @FeiShengchao Thank you for your support. National borders must be respected, but don't make oneself a laughingstock by making 'national borders" where there is none. Common sense families don't draw borders inside a house.'