1 min read

Muwaadiniin Kenyan ah oo haysasha hub sharci darro ah loogu xiray Uganda.

32 qof oo Kenyan ah ayaa maxkamad milatari oo fadhigeedu yahay degmada Moroto ee waqooyi bari Uganda ku xukuntay 10 sano oo xarig ah.

Waxaa lagu helay dambi ah in ay si sharci darro ah u haysteen hub iyo rasaas, iyo sidoo kale haysashada rasaas sharci darro ah – dambiyada lagu qaadi karo maxkamad militari oo ku taal Uganda.

Ku xigeenka afhayeenka ciidamada Uganda, Col Deo Akiiki, ayaa xaqiijiyay xukunka. Dembi kasta ayaa soo jiidanaya 10 sano oo xarig ah waxayna maxkamaddu xukuntay in dembiilayaasha ay ku dhameystaan ​​xukunka si isku mid ah.

Dhamaan dadkan oo u dhashay dalka Kenya ayaa dhamaantood ah dad degan degmada Lodwar ee xuduudka la leh.

Waxaa lagu helay dambiga ay iyagu qirteen waxayna ku dhameysan doonaan xukunkooda xabsiga magaalada Moroto.

Ciidamada Uganda ayaa sheegay in xariga raggan uu qeyb ka yahay ka hortagga suurtagalnimada ah in hub lagu sameynayo gobolka.