February 2023
Qiimaha Shidaalka Oo kor u kacay Magaalada Hargaysa.
Qiimaha Shidaalka ayaa kor u kacay galabta ilaa caawa Magaalada Hargaysa. Halka litir oo qiimihiisu ahaa 7,800 Shilling ayaa hada noqday 9,000 Shilling Shidaalka ayaa mudooyinkii u dambeeyay qiimihiisu hoos u socday , lama oga sababta shidaalka qaaliyaysay hal maalin gudaheed .
Dowladda Pakistan Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Adeegyada Wikipedia
Hey’adda maamusha isgaadhsiinta dalka Pakistan, ayaa ka xanibtay barta lagu kaydiyo qoraalada ee Wikipedia dalkaas, iyadoo hey’addu sheegtay inay ku guuldareystay Wikipedia iney maxfalladeeda ka saarto waxyaabaha aflagaadada ah,inkastoo digniino kal hore loo gudbiyay. Afhayeen u hadlay, ayaa sheegay in go’aanka hey’adda dib u eegis lagu sameyn karo, haddii encyclopedia online ay meesha ka saarto […]
Kenya oo dib u fureysa xadka ay la wadaagto Soomaaliya 10 sano kadib.
NAIROBI — Kenya ayaa ku dhawaaqday inay dib u furayso xudduudka Mandhera ee ay Soomaaliya la wadaagto, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu hagaajinayo ammaanka xudduudka iyo la dagaallanka badeecooyinka Kontorobaanka ah. Kenya ayaa sheegtay in qorshaha dib loogu furayo xudduudka Mandheera ay la wadaagto Soomaaliya uu heer gabo-gabo ah marayo, kadib wadatashi heer sare ah […]
Ciyaaryahan Kylian Mbappe oo dhaawacmay, isagoo seegi doona kulanka PSG vs Bayern Munich
PARIS — Weeraryahanka Paris St Germain Kylian Mbappe ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo seddex toddobaad ah kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray bowdada, sida ay Khamiistii sheegtay kooxda Ligue 1, taasoo sababtay inuu seego lugta hore ee Champions League ee ay la ciyaarayaan Bayern Munich. 24-sano jirkan ayaa dhaawacmay qeybtii hore ee kulankii ay PSG […]
Sheekh Aadan Madoobe oo mar kale la kulmay mucaaradka Koofur Galbeed
BAYDHABO — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe ayaa xalay magaalada Baydhabo kula shiray midowga musharraxiinta Koofur Galbeed, halkaas uu ka socodo shirka dib u heshiisiinta maamulkaas. “Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga […]
=Nasashada Jimcaha. Q- 242 = Ma waxaad noo maleydeen Sida Dadka Gobalka Banadir oo Maamulkooda iyo mustaqbalkooda ka sugayo Dad aan shaqaba ku leheyn Dhismaha Deegaankooda.
1. Haweeneydii Ra’iisul Wasaaradda ka aheyd Dalka Ingriiska Sannadkuu 1982 Mrs. Margaret Tarjer. Ayaa waxaa loo sheegay in Dowladda Arjentiin ey weerartay Jasiiradaha “Folk land” ee ku yaal Laatiin America, kuwaa oo u dhaw Arjentiin, kana Fog Ingriiska, laakin ingriisku Dusha ka maamulo iskana heysto. Waxa ey tiri: Si deg deg ah ayaan u weeraraa. […]
Laacibka Mason Greemwood ee Manchester United oo lagu waayay eedeymihii loo heystay.
Eedeymo la xiriiray isku day kufsi iyo weerar ayaa laga dhaafay ciyaaryahanka u ciyaara Manchester United ee Mason Green wood. Ninkan 21 jirka ah ayaa la xiray bishii January ee sanadkii hore iyadoo ay jireen sidoo kale muuqaalo iyo sawiro Iyana ku soo baxay baraha bulshda . Markii dambe waxaa lagu eedeeyey isku day kufsi […]
Urur goboleedka IGAD oo war kasoo saaray xaaladda Laascaanood.
Urur goboleedka IGAD oo ka warbixinayay xaaladda gobolka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda magaalada Laascaanood. “Xiisadda Laascaanood waxay noqotay arrin walaaceeda leh oo horseeday inay tiro dad ah ay ku dhinteen halka khasaare kalena uu ka dhashay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay IGAD. Ururkan ayaa sidoo kale sheegay in […]
Ilhaan oo laga saaray Guddiga Arrimaha Dibedda Aqalka Wakiilada
WASHINGTON — Xubnaha Jamhuuriga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta u codeeyey inay Ilhaan Cumar oo Dimoqraadi ah ka saaraan Guddiga Arrimaha Dibedda, ayaga ku eedeeyey hadallo ka dhan ah Israel. Tallaabadan ayaa sii xumeyneysa xiisadda labada xisbi kadib markii Dimoqraadiga ay kalfadhiggii hore guddiyo ka saareen xubno Jamhuuri ah oo ka tirsan garabka-midig ee fog, […]