1 min read

Sheekh Aadan Madoobe oo mar kale la kulmay mucaaradka Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Adan Madoobe ayaa xalay magaalada Baydhabo kula shiray midowga musharraxiinta Koofur Galbeed, halkaas uu ka socodo shirka dib u heshiisiinta maamulkaas.

“Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa Midowga Musharraxiinta, Golaha Badbaadada iyo Madasha Samatabixinta KGS u sheegay in si habsami leh loo sii amba qaado wajiga labaad ee shirka oo lagaga arrinsanaayo hanaanka geedi socodka nabada iyo sidii guul mira-dhal leh loogu gaari lahaa gogosha taala magaalada Baydhabo, si dalka looga xorreeyo kooxda Al-Shabaab” ayay qortay warbaahinta dowladdu.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, waana markii saddexaad oo uu Sheekh Aadan Madoobe la kulmo mucaaradka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 17-kii bishii hore ee January furay shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ay kasoo qeyb galeen maamulka iyo mucaaradka, wuxuuna ku adkeeyey madaxda, waxgaradka iyo haldoorka reer Koonfur Galbeed in ay ilaashaadaan dowladnimada, nabadda iyo wadajirka heer dowlad-goboleed.