1 min read

Dowladda Pakistan Oo Dalkeeda Ka Mamnuucday Adeegyada Wikipedia

Hey’adda maamusha isgaadhsiinta dalka Pakistan, ayaa ka xanibtay barta lagu kaydiyo qoraalada ee Wikipedia dalkaas, iyadoo hey’addu sheegtay inay ku guuldareystay Wikipedia iney maxfalladeeda ka saarto waxyaabaha aflagaadada ah,inkastoo digniino kal hore loo gudbiyay.

Afhayeen u hadlay, ayaa sheegay in go’aanka hey’adda dib u eegis lagu sameyn karo, haddii encyclopedia online ay meesha ka saarto waxa uu ugu yeedhay macluumaadka xiisadda keenaya.

Hay’adda Wikimedia ee fadhigeedu yahay dalka Maraykanka, ayaa sheegtay in mamnuuciddan ay ku dhaqaaqda dowladda dalka shanaad ee dunida ugu dadka badan inay helaan kaydka ugu badan ee aqoonta bilaashka ah.

Mid kamid ah dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dhijitaalka ah ee dalka Pakistan, ayaa ku tilmaamay mamnuucista mid aan u dhigmin waxa la luminayo, oo aan dastuurina ahayn.

Shirkadaha caanka ah ee Facebook iyo YouTube, ayaa hore loo xayiray qoraalo loo arkay inay yihiin aflagaado, iyo arrimo kale oo xasaasi ka ah dalka Pakistan, oo dadkiisu ay u badan yihiin Muslim). PAKISTAN WIKIPEDIA