February 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dhul Gariirka ka dhacay Turkiga.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray Dowladda iyo Shacabka Turkiga oo la dhibaatoonaya dhul gariir khasaare badan geestay oo dalkaas ku dhuftay. “Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxaan shacabka iyo dowladda Turkiga uga tacsiyeynayaa dhulgariirkii ka dhacay Kahramanmaraş oo laga dareemay gobollo badan oo Turkiga ah,Waxaan tacsi […]
RW Xamse oo guddoomiyay Shir looga hadlayay la dagaalanka Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dalka. Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabadsugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xasillinta deegaannada la xoreeyey, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda. Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa kulanka […]
Howlgalka Ciidamada ATMIS oo War ka soo saaray heshiiskii maamulka KGS iyo Mucaaradka
Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa soo dhaweeyay heshiiska doorasho ee Magaalada Baydhabo ku gaareen Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo musharrixiinta mucaaradka. Qoraal kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa waxaa lagu yiri” ATMIS waxay ugu hambalyeyneysaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madoobe iyo Madaxweynaha C/casiis Xasan Maxamed, Laftagareen oo ay wehliyaan […]
Maalqabeen Nigeria u dhashay oo ku dhow iibsashadaSheffield United.
Maalqabeenka Nigeria u dhashay, Dozi Mamobousi, ayaa qarka u saaran inuu iibsado kooxda kubadda cagta Sheffield United, taasoo ka ciyaarta horyaalka labaad ee Horyaalka Ingiriiska. BBC-da ayaa ilo xogogaal ah ka ogaatay in mulkiilaha kooxda, muwaadinka Sucuudiyaanka ah, ee Amiir Abdullah, uu wada hadaladii ugu dambeeyay la yeelanayo maal-gashadayaasha reer Nigeria, taasoo la xiriirta iibka […]
Dowladda Soomaaliya iyo hay’adda IATA oo saxiixday heshiis cusub.
NAIROBI —Dawladda Soomaaliya iyo hay’adda caalamiga ah ee gaadiidka hawada IATA ayaa maanta magaalada Nairobi ku gaaray heshiis lagu sii xoojinayo iskaahsiga dhaqaale iyo faa’iidooyibka kale ee ijtimaaciga ah ee adeegyada hawada. Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardawsa Cusmaan Cigaal iyo ku-xigeenka madaxa IATA ee Africa iyo Bariga Dhexe Kaamil […]
Wararkii ugu dambeeyay dagaalo ka dhacay Laascaanood
LAASCAANOOD — Iska horimaadyo hubaysan ayaa maanta ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaasi oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo xoogagga degaanka. Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda ay soo weerareen kooxo ay soo ababauleen qaar ka mid ah odayaasha ku shirayey magaalada Laascaanood. Sidoo kale mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay […]
Dalka Holland waxaa soo garay Xildhibaanka beelaha Banadiriga.
Xildhibaan Shariif Jeek ayaa ku sugnaadona dalka Nederland mudo dhowr casho ah asgoona kulama gooni gooni ah la qaadan doono beelaha banaadiriga ah ee ku sugan dalka Nederland wax garadkooda iyo Aqoon yahanadooda iyo haweynka banaadiriga. Kulankaasi soo dhaweynta ah waxaa ka qeyb qaatay Gudoomiye Cabdulqadir Cali Nuune iyo daladda ay ku mideysan yihiin jaaliyadaha soomaliyeed […]
Shirkii dib u heshiisiinta Koofur galbeed oo la soo gaba gabeeyay.
Magaalada Baydhabo Waxa lagu soo geba gebeeyey shirkii dib u heshiisiinta ee maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku ah, waxayna dhinacyadii shirkaas ka qayb galay ay isku raaceen in soo xulista xildhibaannada ay sameeyaan odayaasha dhaqanku dhammaadka sanadkan, iyo in doorashada guddoonka iyo tan madaxweynahana la qabto bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee […]
Diyaaradaha dagaal ee Maraykanka oo soo riday buufin looga shakisan yahay inay basaas u aheyd Shiinaha.
WASHINGTON — Diyaaradaha dagaal Maraykanka ayaa Sabtidii soo riday buufin looga shakisan yahay in Shiinuhu leeyahay oo soo gaartay xeebaha gobolka South Carolina, toddobaad kadib markii ay soo gashay hawada Maraykanka. Buufintan ayaa waxaa ka dhashay sheeko basaasnimo – iyo hadan heyn dadweyne, taas oo xumeysay xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka. Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in […]
Luqadda Tukaha yaa yaqaan?
Noolaha Dunidaan Allahii ku Abuuray, qaarba waxa uu siiyay Luqad, Shanqar, iyo waxyaabo kale oo ey ku xariiraan. Tukaha oo ka mid ah Noolahaa waxaa Allaah uu siiyay cod ey isku garataan. Nin u dhashay Dalka Jabaan ayaa muddo Daraasad uu ku sameeyay Luqadda Tukaha, Waxaa uu ururiyay Shanqar kala duwan ee Tukuhu isagu baaqo […]