1 min read

Ciyaaryahan Kylian Mbappe oo dhaawacmay, isagoo seegi doona kulanka PSG vs Bayern Munich

Weeraryahanka Paris St Germain Kylian Mbappe ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo seddex toddobaad ah kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray bowdada, sida ay Khamiistii sheegtay kooxda Ligue 1, taasoo sababtay inuu seego lugta hore ee Champions League ee ay la ciyaarayaan Bayern Munich.

24-sano jirkan ayaa dhaawacmay qeybtii hore ee kulankii ay PSG ay 3-1 kaga badisay Montpellier Arbacadii. PSG ayaa ciyaari doonta shan kulan inta u dhaxaysa 4-19 Febraayo, waxaana uu sidoo kale seegi doonaa ciyaarta wareegga 16-ka ee koobka French Cup ee ay kaga hortagayaan Olympique de Marseille.

Difaacooda Sergio Ramos ayaa sidoo kale la beddelay intii ay socotay ciyaartii Arbacadii, isagoo ka cabanayay dhaawac soo gaaray, laakiin waxa uu mari doonaa baaritaan dheeri ah, si loo ogaado heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa.

PSG ayaa hoggaanka horyaalka Ligue 1 ku hoggaaminaysa shan dhibcood waxayna sabtida soo dhawayn doontaa kooxda Toulouse.

 

Reuters.