3 mins read

=Nasashada Jimcaha. Q- 242 = Ma waxaad noo maleydeen Sida Dadka Gobalka Banadir oo Maamulkooda iyo mustaqbalkooda ka sugayo Dad aan shaqaba ku leheyn Dhismaha Deegaankooda.

1. Haweeneydii Ra’iisul Wasaaradda ka aheyd Dalka Ingriiska Sannadkuu 1982 Mrs. Margaret Tarjer. Ayaa waxaa loo sheegay in Dowladda Arjentiin ey weerartay Jasiiradaha “Folk land” ee ku yaal Laatiin America, kuwaa oo u dhaw Arjentiin, kana Fog Ingriiska, laakin ingriisku Dusha ka maamulo iskana heysto.
Waxa ey tiri: Si deg deg ah ayaan u weeraraa. Waxaa lagu yiri: Marka hore aan arinta u gudbino Golaha Ammaanka ee Jamciyadda Quruumaha.
Waxa ey ku jawaabtay: iigu yeera Guddiga Dagaalka ee Ingriiska waan weeraraa, ma ihi Sida Hogaamiyayaasha Carbeed ee waxa Dalkooda iyo Dadkoodu ey Xaqa u leeyihiin go’aankooda ka raadinayo kana sugo Dalal kale. ( F.S:1aad)

( Odayaal iyo Siyaasiyiin, Gobalkooda u dhisanayay Maamul Gobaleed ayaa lagu yiri: Dhismaha Gobalkiina waxaa uu leeyahay Maqaam gaar ah, Waxaana Sharci u sameeynayo Xildhibaano.
Waxa ey yiraahdeen Annaga ma waxaad noo maleydeen Sida Dadka Gobalka Banadir oo Maamulkooda iyo mustaqbalkooda ka sugayo Dad aan shaqaba ku leheyn Dhismaha Deegaankooda.)

2. Al Bakri Abu xaraaz oo ah, Hogaamiyaha Ruuxiga ah ee Dalka Sudan ayaa yiri: Jinnigii Badankiisu waa ka haajiray Dalka Sudan, sabata oo ah Dhaqaalihii Dalka oo sii Xumaanayo. ( F.S: 2aad)

( Somaliya Jinni badan ayaa ka tahriibay oo Dalal kale iska dhiibay. Sabata uu u tahriibay maxey tahay? )

3.waxaa jirto Maahmaah ingriis ah oo leh: Maalku waxaa uu kugu soo galaa isaga oo u socdo Sida Diidiinka, waxa uuna kaa baxaa isaga oo u socdo sida Bakeylaha (F.S: 3aad)

( Laakin, Somaliya, Xilalaka qaar Waxa ey ku soo maraan iyaga oo u socdo Sida Bakeylaha, waxa eyna kaa Tagaan Iyaga oo u socdo isla sidii Bakeylaha., Xuf, Xuf)

4. Aabaha wanaagsani, Marka xaaskiisu Uurka ilmo ku sido, isaguna Madaxow ku sidaa oo waa la wadaagaa Culeeyska. Marka ey ummushana Howsha Guriga qeyb ayuu ka Qaataa. ( F.S: 4&5aad)

( Ar kaasi Somaliya, ma ku badan yahay?)

5. Dr. Mustafa Maxamud ayaa yiri: Haddii Ashyaa’da Maadada ahi, ey ka muhim santahay Tan Macnawigaa ee Ruuxiga ah. Jiraka Dhulka laguma aaseen, Naftana Sammada looma qaadeen. ( F. S: 6aad)

( Ar ha ku mashquulin in aad Jirkaaga Cunto iyo is qurxin aad ku Kobciyo ee Naftana Cibaado iyo Camal Suuban ku Kobci)

6. Libaxyo ayaa soo ugaarsaday Damereer, Dood dheer kadib. Waxaa lagu heshiiyay in aan la dilin oo uu iyaga ka mid noqdo.waa soo dhaweeyeen, waxa eyna ka dhigteen wakiilkooda dhinaca Xayawaanada kale. Ka dibna waxa uu noqday Hogaamiyaha Xayawaanada kale ey ka dambeeyaan.
Kii ka hor yimaadana waxaa la hor geynayay Shirka libaaxyada waana la cunayay. Libaaxyadii waxa ey ka reeysteen ugaarsigii, toos ayaana loogu keenayay Xayawaankii ey Cuni lahaayeen.
Dameerku marka uu la joogo Dameerada kale waxa uu isku heeystaa Libaax. Laakin marka uu la joogo Libaaxyada waa isla Dameerkiisii. ( F. S: 7aad)

( Doqonka Cadawga u shaqeeyo marka uu Dadkiisa la joogo, waa taliye Cadawga matalo. Marka uu Dadkiisa la joogana Waa Doqon cadawgu Dadkiisa u soo dirsaday. Ar. Somaliya kuwaasi, hore ma joogi jireen, Haddse ma joogaan?)

Qore: Yahya Amir