1 min read

Faah faahin ku aadan weerar Bam Gacmeed lagu weeraray xarunta CID-da ee Muqdisho.

Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa lagu qaaday Xarruunta CID-da oo ku taalla meel u dhow wadada km4 ee degmada Hodan.

Dadka deegaankaas ayaa soo sheegaya in bam gacmeed lagu tuuray ciidamada ku sugan albaabka laga galo xarunta CID, gaar ahaan  dhanka Xanaano ee wadada aada Cabdiqaasim.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya inuu uu jiro dhaawac soo gaaray ciidanka ilaalada ahaa ee ku sugnaa barta laga ilaaliyo xarunta.

Ciidamada Ammaanka ayaa daqiiqado ka dib hakiyay isku socodka wadada Cabdiqaasim.