1 min read

Dowladda Dan Qaran ee Taya yar!!!



Waxaan u hambalyeeynayaa Baarlaamka oo Maanta Ansixiyay Dowladdii uu soo dhishay RW. Xamsa.

Waa Run in wadanku uu Muddo Xukuumad la’aan ahaa, siimana ahaan karo, in firaaqaa la buuxiyana waa wax loo baahnaa Ansixinta Xukuumadda Dan Qaran ee Taya yar.

Waa Run in ey Dan Qaran tahay, waana in Dowladda la ansixiyo si Golahii fulintu u howlgalaan xaaladdaan adag ee lagu jiro.

Waa Run in ey Muhim tahay in Xilalka Xafiisyada la buuxiyo si looga talaabsado Taakooyin la isku qataaray.

Waa Run in ey Buuxiyeen 70% Wasiiro, W/Xigeeno iyo W/Dowlo Tayo yar, marka loo fiiriyo Aqoonta iyo waaya aragnimada looga baahnaa. waxa eyse dhaamaan kuwii iyaga ka horeeyay ee Taya yaro iyo Tabeelanimo isku darsaday.

Waa Run in uu ansixiyay Baarlamaan badankiisu Agoon ah oo Ninkii diyaarsaday uu ka gabalamay, iyaguna weli ey raadinayaan Aabahoodii Runta ahaa, welina eynan ogeeyn in ey yihiin Xildhibaano iyo shaqada Xildhibaanku waxa ey tahay.

Waa Run in Taya la’aantu ey ku timid i qanci si Tolku u qanco.

Waa Run in Taya la’aanta Wasiiradu ey tahay huri waay, Habeen ku mood ah, si berri loogu gudbo kuwa Tayo leh.

Waa Run in Dan Qaran loo arkay Xukuumadda Cusub, Danaa tiriye RW-hu ma jecleeyn Taya Yar, Qancinta Qabiiladu waa sasabidda Caruurta oo kale inta Berri Runta ey ka arkayaan Qabiiladu.

Hambalyo Dowladda Dan Qaran ee Tayada yar.

FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay, wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhimanna ku dar.

Qore: Yahya Amir