1 min read

Puntland oo Somaliland ku eedeysay dagaallo ka dhacay Gobolka Sool.

DG Puntland ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay ka dambeysay dagaal lagu qaaday Saldhigyo Ciidamada Dowlad-Goboleedkaas ay ku leeyihiin Gobolka Sool gaar ahaan deegaannada kala ah Boocame, Fardhidin, Karin-garfood & Tukaraq.

Maxamuud Caydiid Dirir, Wasiirka Warfaafinta DG Puntland oo la hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka Dowlad-Goboleedkaas ayaa sheegay in abaabul dagaal ay waddo Somaliland si ay ugu duusho Puntland.

Waxa uu sheegay in dagaalladaas dhabar-jab ku yihiin howlgallada ay wadaan Ciidamada ammaanka DG Puntland ee duullaanka ku ah Al-Shabaab & Daacish oo ku sugan Dhulka ay ku sugan yihiin oo dhan 800 KM.

Wasiirka Warfaafinta DG Puntland ayaa sheegay in dadka ay rabto Somaliland in ay ku dul-dagaalanto ay saameyn taban ku reebtay Abaarta halkii la quudin lahaa dhiig ku dul-daadinayaan sida uu hadalka u dhigay.

Waxa aan halkaan ka cambaareynayaa weerarkii qaawanaa ee maamulka Somaliland uu kusoo qaaday Boocame, Fardhidin, Karin-garfood & Tukaraq, Ummadda Soomaaliyeed qax & dagaal qabiil muddo 30sano ka badan ayay ku jireen, abaar ayaa dadka saameysay oo wax ma beeran, xoolihii u haray iib uma galaan waa nasiib darro in maamulka Hargeysa uu dagaal usoo tafaxeeto” Wasiirka Warfaafinta DG Puntland.

Waxaa kale oo layaab leh markasta oo ay ciidamada Puntland wadaan howlgallo ay uga hortagayaan Argagixisada oo ku teedan min Godod oo ah koofurta Gobolka Mudug Ilaa Garacad, Buuraha Golis ilaa Laasqoray masaafaradaas oo aan ka yareen 800 KM in ay ku teedsan yihiin Ciidamada oo ku howlan howlgallo ay ku sifeynayaan cadawga had iyo jeer Somaliland caadeysatay in furin kale ku furto, waxa ay taasi ku tusineysaa in ay cadawga gacansaar la leeyihiin si ay u baxsadaan” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta DG Puntland.

Ma jiro war kasoo baxay dhanka Somaliland oo jawaab u ah eedeynta DG Puntland balse labada dhinac ayaa dhaqdhaqaaq xooggan kawada qaybo kamid ah Gobollada Sool & Sanaag oo labada Maamul kala sheeganayaan.