|

Ciidamada Ammaanka oo faah-faahiyay qarax ka dhacay Muqdisho.

Hay’addaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax loo adeegsaday Mooto Bajaaj oo galabta ka dhacay Xaafadda Taleex degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

“Waxaa gacanta lagu dhigay ninkii qaraxa ku weday Mooto Bajaaj-ta oo dhaawac fudud uu soo gaaray, mana jirto cid kale oo dhibaato ka soo gaartay qaraxaas” sidaasi waxaa baahiyay Warbaahinta Dowladda oo soo xiganeysa Saraakiisha Amniga.

Sidoo kale, Ciidamada ammaanka ee magaalada Muqdisho ayaa goordhow Qarxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu soo raray Mooto Bajaaj.

Posted by on Aug 5 2022. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

120x600 ad code [Inner pages]
300x250 ad code [Inner pages]