1 min read

Wararkii ugu dambeeyay dagaal maanta Al-Shabaab iyo Liyuu Boolis ku dhexmaray aagga Feer-Feer.

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Liyuu booliska iyo dagaalyahannada Shabaab ayaa maanta duhurkii ka dhacay deegaanka Laas-qurun oo aan ka fogeyn xarunta degmada Feer-Feer, sida ay BBC-da u sheegeen dad goobjoogayaal ku sugan Feerfeer.

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa la sheegay inay dagaal ku qaadeen dagaalyahannada Shabaab oo kasoo tallaabay dhinaca Soomaaliya.

Rasaasta ayaa la sheegay in laga maqlayo Feer-Feer oo qiyaastii 20 km u jirta goobta lgu dagaalamaya oo ah gudaha xadka itoobiya.

Lama ogo khasaaraha ka dhashay dagaalkan.