1 min read

Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Soo jeedinta RW Xamze.

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay soo jeedinta Ra’isul Wasaare Xamze Cabdi Barre oo ahayd in 10 maalmood loogu daro waqtiga magacaabista Golaha Wasiirada oo ka bilaabaneyso maanta oo 25-ka Luulyo ah kuna eg 4-ta bisha Agoosto 2022.

Warqad oo uu soo diray Ra’iisul wasaaraha oo uu ku dalbanayay muddada 10ka cisho ah ayaa waxaa Xildhibaanada Gollaha Shacabka u aqriyay xoghaye buux.

Intaasi ka dib Waxa ogolaaday muddada dheeraadka ah ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre loogu daray 144 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Gollaha Shacabka waxaa diiday 1 Xildhibaan mana jirin wax ka aamuusay, sida ay ku dhawaaqday Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Gollaha Shacabka Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar oo shirka gudoomineysay.

Mudda 10 maaalin ah ee loogu daray Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa la filayaa in uu ku xaliyo beelo tabasho ka qabo hab dhiska maamul ee Gollaha wasiirada Cusub, waxaana la filayaa in waqtiga dheeraadka ah ee loogu daray uu kusoo magacaabayo Golle wasiiro oo tayo leh.

Waxaa xusid mudan in Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre uu kol hore sheegay in uu soo dhisi doono xukuumad cusub oo tayo leh.