1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdulfataax Siisi oo ku kulmay Qaahira.

QAAHIRA — Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdulfataax Al-siisi, ayaa maanta ku kulmay magaalada Qaahira, halkaasi oo madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho rasmi ah ku joogo


Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Masar mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka ka dhexeeya labada dal.

Waxa uu Xasan Sheekh in booqashadan ay sal-dhig u noqlonayso dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah, sida lagu yiri qoraalka.

Xasan Sheekh, oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Masar marti-gelinta kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo dalkaas u jooga waxbarasho, ayaa sheegay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka, dhismaha ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia ay soo saartay.

“Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi oo ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u doorashadiisa ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan dowlad dhiska iyo xasilinta dalkooda, waxa uuna sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay xaqiijinta Soomaali heshiis ah, mideysan, xasillooni oo horumar ku tallaabsata.”

Labada Madaxweyne ayaa sidoo iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga warbixiyey dhiggiisa Dalka Masar qorshehiisa ku saleysan Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis lah, sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya.