23 Apr, 2024
1 min read

Hantidhowrka: Hay’ado ka tirsan xukuumadda xilgaarsiinta ayaan ka joojiyey heshiisyo ku kacaya Malaayinn Dollar!!!.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Hantidhawrka ayaa lagu sheegay in uu ka war helay qaar ka mid ah Hay’adaha Dowladda billaabeen hannaan ay ku galayaan heshiisyo ay ku baxayso malaayiin doollar. Hanti dhowrka ayaa adkeeyay joojinta heshiisyada waa wayn ee ay Hay’adaha Dowladdu galayaan inta laga ansixinayo Xukuumad rasmi ah. Hoos ka akhriso

1 min read

Jabhadda TPLF oo Diyaarisay Koox Wadaxaajood la Gasha Dowladda Ethiopia.

Tigreega ayaa diyaarisay guddi wadaxaajood la fura dowladda Ethiopia, sidaasina waxaa wakaaladda wararka AFP u xaqiijiyay afhayeenka TPLF, iyadoo ay tallaabadani ku soo aadeyso 20 bilood ka dib markii uu dagaalku ka bilowday gobolka waqooyiga dalkaasi. Hadalkan ayaa imanaya toddobaad ka dib markii dowladda Ethiopia ay ku dhawaaqday guddi ka baaraandega suurtogalnimada wadahadallo nabadeed oo […]

1 min read

Dowladaha Soomaaliya & Jabuuti oo ka wada hadlay adkaynta xiriirka labada Dal.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Maxaamed Rashid Ibraahim Yuusuf. Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Siihaya Safiirka Safaaradda Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray “adkaynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska koowaad […]

1 min read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdigiisa oo dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku saabsan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ku joogay dalkaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ka soo sagootiyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Jabuuti, Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalkaas, […]

1 min read

Madaxweynaha Puntland oo kulan looga hadlayay Gurmadka Abaaraha la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wafti ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo ay weheliyaan Madaxa ugu sareeya ee hay’adda UNFPA Soomaaliya Niyi Obuolape iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland, Guy Griffin. Kulanka Saciid Deni iyo James Swan […]

1 min read

Soomaalida ka ganacsata Qaadka ee Kenya oo ka hadlay sababta ilaa hadda aysan u dhoofin Qaadka.

Ganacsatada qaadka Kenya u dhoofiso Soomaaliya ayaa sheegtay wakhti dheer iney sugayaan ka hor inta diyaaradaha qaadka sida aysan u duulin Soomaaliya, taasoo ka dhalatay xeerar cusub oo la socda heshiskii dhoofinta qaadka oo ay Soomalaya iyo Kenya dhawaan kala saxiixdeen. Ganacsatada iyo beeraleyda qaadka oo heshiiska dib loogu furay suuqyada Somaaliya ee qaadka Kenya […]

1 min read

Diyaarad ku qalibantay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

MUQDISHO — Dhammaan 36 qof oo saarnaa diyaarad nooceedu yahay Fokker 50 ayaa barbaaday kadib markii ay diyaaraddu gashay shil xilli ay soo degaysay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Mas’uul ka tirsan garoonka diyaaradaha Muqdisho, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta, ayaa VOA u sheegay in diyaaraddu […]

1 min read

MW Ruushka Vladimir Putin oo Iiraan uga qaybgalaya shir looga hadlayo Xaaladda Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u safraya Magaalada Tehran ee Caasimadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo uu uga qaybgalayo shir saddex geesood ah oo u dhaxeeya Madaxweynayaasha Ruushka, Turkiga & Iiraan. Kulankaas waxaa diiradda lagu saarayaa dagaalka Suuriya ka socda ee waqti dheeraaday & sidii xal loogu heli lahaa isku dhacyada ka jira Dalkaas, […]