1 min read

MW Ruushka Vladimir Putin oo Iiraan uga qaybgalaya shir looga hadlayo Xaaladda Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u safraya Magaalada Tehran ee Caasimadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan oo uu uga qaybgalayo shir saddex geesood ah oo u dhaxeeya Madaxweynayaasha Ruushka, Turkiga & Iiraan.

Kulankaas waxaa diiradda lagu saarayaa dagaalka Suuriya ka socda ee waqti dheeraaday & sidii xal loogu heli lahaa isku dhacyada ka jira Dalkaas, waxaana lagu wadaa in uu furmo Talaadada (19ka July 2022).

Ilo ku dhaw kulanka saddex geesoodka ah ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu diyaar u yahay ka qaybgalka shirkaan oo muhiim u ah xal u helista kooxaha Ankara baacsato ee gudaha u gala Suuriya & kuwa saldhigyada ku leh Dalkaas.

“Xasilooni darrada Gobolka waa dhibaatada ugu weyn ee miiska saaran loona baahan yahay sidii loo heli lahaa xal xasiloon oo nabad kusoo dabbaali kara Bariga dhexe, Waqtiga Shir weynahaan ma aha mid iska yimid” sidaasi waxaa yiri Sarkaal ka tirsan Xukuumadda Moscow.

Falanqeeye u dhashay Ruushka ayaa sheegay in Iiraan, Ruushka & Turkiga ay meesha ka arkeen dano mideynaya si ay uga hor tagaan dhibaatooyin xalkooda noqon karto in wadajir isu kaashadaan saddexda Dowladood.

Turkiga ayaa howlgal gaar ah ku beegsaday deegaannada ay joogaan Kooxaha uu u aqoonsan yahay Ururrada Argagixisada ee Kurdiga ah, deegaannadaas waxaa saldhigyo ku leh Mareykanka & Ruushka.

Madaxweynaha Iiraan Ebrahim Raisi oo damacsan in uu ka gaashaanto weeraro ay suuragelinayaan Mareykanka & Israel in ay ku qaadaan Xukuumadda Tehran haddii ay sameysato Niyukleer oo halis gelin kara labada dhinac.