1 min read

Madaxweynaha Puntland oo kulan looga hadlayay Gurmadka Abaaraha la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Madaxtooyada ku qaabilay Wafti ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo ay weheliyaan Madaxa ugu sareeya ee hay’adda UNFPA Soomaaliya Niyi Obuolape iyo Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Puntland, Guy Griffin.

Kulanka Saciid Deni iyo James Swan ayaa looga hadlay arrimaha Abaaraha Deegaannada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaa  si qoto-dheer loo dul-istaagey sidii Beesha Caalamku door muuqda uga qaadan lahayd ka  jawaabidda xaaladda abaarta iyo u gargaaridda shacabka abaartu saamaysay.

Sidoo kale kulanka ayaa diiradda lagu saaray wax ka qabashada Amaanka, dardargelinta Dimuqraadiyeynta iyo mashaariicda horumarineed ee hay’addaha caalamiga ah ka wadaan Puntland. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Dowlad Gobaleedkaas.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Jamaal Carab Yuusuf, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta masiibooyinka, Cabdullaahi Cali Xirsi iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 14 July 2022-ka magaalada Garoowe ka daahfuray Shirweynaha Gurmadka Abaaraha Puntland, kaas oo uu goobjoog ka ahaa Ergayga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.