1 min read

Qeybo ka mid ah qaaradda Yurub oo holcaya.

Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa ka digay in dabka uu baabi’iyo 15 gobol oo ka tirsan dalkaas xilli kuleyl uu saameyn ku hayo Yurub.

Kuleyl ba’an ayaa ka taagan koonfur galbeed Faransiiska xilli kooxaha dab damiska ay ku dadaalayaan sidii loo dami lahaa dabka ku faafaya keymaha.

Waxaa sidoo kale socda dadaallada shacabka looga daadgureynayo goobaha uu dabka saameeyay.

Dabka ka kacay Spain, Portugal iyo Giriigga ayaa horseeday in kumannaan qof ay guryahooda ka qaxaan.

Faransiiska oo kaliya ah wuxuu dabka sababay inay guryahooda ka qaxaan in ka badan 16,000 qof.

Meelaha uu sida ba’an ugu faafay dabka waxaa kamid ah gobolka dalxiiska caanka ku ah ee Gironde, wuxuu dabka baabi’iyay in ka badan 14,000 hektar.