1 min read

Soomaalida ka ganacsata Qaadka ee Kenya oo ka hadlay sababta ilaa hadda aysan u dhoofin Qaadka.

Ganacsatada qaadka Kenya u dhoofiso Soomaaliya ayaa sheegtay wakhti dheer iney sugayaan ka hor inta diyaaradaha qaadka sida aysan u duulin Soomaaliya, taasoo ka dhalatay xeerar cusub oo la socda heshiskii dhoofinta qaadka oo ay Soomalaya iyo Kenya dhawaan kala saxiixdeen.

Ganacsatada iyo beeraleyda qaadka oo heshiiska dib loogu furay suuqyada Somaaliya ee qaadka Kenya ayaa dowladda Kenya ka codsaday iney fuddudeyso shatiyada ganacsiga yo xeerarka la halmaala.

Mid ka mid ah Ganacsatada qaadka oo ku nool magaalada Nairobi oo magaciisa kusoo gaabiyay Cabdullaahi ayaa BBC-da u sheegay in ganacsatada qaadka ay wajahayaan caqabad ay kamid tahay canshuurta lagu soo rogay.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa Jimcihii dib usoo nooleeyay xiriirkii labada dal kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmay madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ay isku afgarteen in ganacsigii iyo duulimaadyadii labada dal uu si degdeg ah dib ugu bilaabmo.

Balse markii ugu horeysay, ganacsatada jaadka Kenya waxaa looga baahan doonaa inay u hogaansamaan Shuruucda Dalagga (Qaadka) kaas oo Xeerarkiisa isabadal lagu sameeyay sannadkan.