1 min read

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Wafdigiisa oo dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku saabsan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ku joogay dalkaas ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ka soo sagootiyey Garoonka Diyaaradaha magaalada Jabuuti, Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalkaas, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay sagootinta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu horreyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadan miro-dhalka ah ee uu ku tagay dalkaas iyo wadahadalladii ay wada yeesheen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ay ka markhaati kacday walaalnimada iyo wada jirka ka dhexeeya Labada shacab ee walaalaha ah. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya ka soo baxay ayaa lagu sii yiri “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyey mudnaanta ay siineyso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka Gobolka iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda, taas oo muhiim u ah mustaqbalka iyo horumarka dalkeenna.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku suganaa Dalka Jabuuti waxa uu kulan la qaatay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo hadal ka jeediyey Xarunta Baarlamaanka Jabuuti, ugana xog warramay xaaladda Soomaaliya iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta Gobolka.