1 min read

Dowladaha Soomaaliya & Jabuuti oo ka wada hadlay adkaynta xiriirka labada Dal.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Maxaamed Rashid Ibraahim Yuusuf.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Siihaya Safiirka Safaaradda Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray “adkaynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska koowaad ee Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xiliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, isla markaana ay xukuumaddiisu sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka labada dal, isagoo uga mahadceliyey taageeradooda walaaltinimo.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa todobaadkaan la kulamay Safiirada Soomaaliya u fadhiya waddamada Markeykana, Igiriiska, Shiinaha iyo Talyaaniga isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo dowladahooda.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo loo magacaabay Wasiirka koowaad ee Xukuumadda JFS 15 Juun 2022-ka ayaa weli soo dhisin golahiisa Wasiirada.