1 min read

Is dhexgalka Diimaha:Lakum Diinukum,walii diini.

Barnaamijka is dhaxgalka Diimuhu, xadkii ayuu ka baxay. Waxaa jiro Arragti dheheeyso Diimaha Aduunka oo dhan hala mideeyo, Mid kasta qeyb halaga soo qaato, kadibna halagu soo koobo hal Diin oo isku dhaf ah oo Dadka Dunida ku nool oo dhan ey wadaagaan.

Si taa lagu gaaro, waxaa la bilaabay Barnaamijyo hor dhac ah oo la isagu keenayo Dad kala diin ah. Horeba Beni aadamku waa ku wada noolaa Aduunka iyaga oo kala Diin ah, mid walibana ey la saxan tahay Tiisu.

(Nin Filasoof ah ayaa hadda ka hor la weeydiiyay Diimaha faraha Badan ee Dunida ka jiro tee sax ah? waxa uu yiri: Waa sida Haan dhax taal qol mugdi ah oo ey ku dhax jiraan Ukumo isku cabir ah, ukumahaa waxaa ku jirto mid kaliya oo Dahab ah, Qof waliba mid ayuu Haanta ka soo dhax qabsaday waxa uuna leeyahay teeydaa sax ah. tan Saxda ahna waxaa la ogaanaa marka Naalka la daaro oo uu uga jeedo, Qiyaamaha) .

Qofkii Caqli leh iyo Qofkii Alla hanuuniyo waa kala Kasi karaa Ukun Dahab ah iyo Mid caadi ah.

Is dhaxgalka, hadda waxaa ka dhax muuqdo Olole looga hor tagayo Diinta Islaamka oo ah tan Hadda ugu fidida badan Dunida oo Sannad kasta Dad badani ey soo islaamayaan.

Waxaa la bilaabay in la karaama tiro, laguna xad gudbo Muqadasaadka iyo Meelaha Taariikhiga ah ee islaamka, kadibna lagu xad gudbo Quluubta Dadka islaamka ah.

Fiiri Masjidka Shiikh Saahid oo Hadda lagu tukado, Mixraabkiisiina uu ka mid noqday Goobha igu sawir. ( F.S: 1aad)

Waa iga Tallo:

Dhalinyarooy, yaan laguugu gaadin Barnaamijka is dhaxgalka Diimaha ee cusub, tartiib tartiib ayaa la isku ajaraa ee hala Digtoonaado, Haddii is dhax galku sidaan yahay, iga joog dheh, Waxa aad Caabudeeysiin Caabudimaayo, Lakum Diinukum, Diinteeyda Diin kale ha iigu barxina.

Qore: Yahya Amir