4 mins read

Madaxwaynaha Ruushka oo amar ku aadan Ukraine siiyay ciidamadiisa.

Ciidammada Ruushka ayaa lagu amray inay labada gobol ka fuliyaan waxa loogu yeero “howlgal nabad ilaalin ah”.

Wararka ka imaanaya gobolka Donetsk oo ka mid ah labada gobol ee ka go’ay bariga Ukraine ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo gaashaaman oo Ruushku leeyahay lagu arkayay gudaha magaalada ugu weyn.

Amarkan ayaa waxaa bixiyay madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin.

Dhanka kale, waxaa isa soo taraya cambaareynta loo so jeedinayo go’aankii madaxwayne Putin ee uu labada gobol Donetsk iyo Luhansk ugu aqoonsaday dalal madaxbanaan.

Aqalka Kremlin ee Ruushka ayaa sheegay in Putin uu go’aankaas ku wargeliyay hogaamiyayaasha Faransiiska iyo Jarmalka.

Madaxwaynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky oo khudbad jeediyay xalay ayaa dhankisa ku tilmaamay tallaabada Ruushka ku xad-gudb sharafta iyo madax-banaanida dalkiisa.

Bilowgii shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo looga hadlayay Ukraine ayaa danjiraha Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay waxay uu sheegay in dunidu aysan indhaha ka qabsan cadaawada Ruushak ee ka dhanka ah Ukraine.

Waddamada Galbeedka ayaa marar badan uga digay Ruushka inuu dalal madax bannaan u aqoonsado gobolladaas, waxaana la filayaa in tallaabadan ay soo xirto albaabka wadaxaajoodka.

Saddex aag oo uu Ruushka ka billaabi karo duullaanka milateri ee la rumaysan yahay inuu ku qaadi rabo Ukraine ayaa kala ah:

Militariga Ruushka
Qoraalka sawirka,Militariga Ruushka

Bariga Ukraine

Waxaa si weyn indhaha loogu hayaa gobollada Donetsk iyo Luhansk ee ku yaalla bariga Ukraine balse sheegay inay ka go’een dalkaas. Waa labada gobol ee uu hadda Ruushka u aqoonsaday dalal madax bannaan. Tan iyo sanadkii 2014, waxaa deegaannadaas ku dagaallamayay ciidamada Ukraine iyo fallaago gooni u goosad ah oo gacan ka helaysa Ruushka.

Khubarada milateriga ayaa rumaysan in aaggan uu yahay kan ugu sahlan ee uu Ruushka ka billaabi karo duullaankiisa, maadaama uu horay u geeyay ciidan xooggan.

Muuqaallo satellite lagu qaaday oo ay baahisay qaar kamid ah warbaahinta Galbeedka ayaa muujinaya in ciidamada Ruushka ay maalmihii la soo dhaafay wadeen dhaq-dhaqaaq ay ugu dhawaanayaan furimaha ay ku sugan yihiin ciidamada Ukraine.

Ruushka ayaa la rumaysan yahay in ciidan iyo hub uu ka daabulay saldhigga weyn ee Yelnya uu geeyay gobolka Bryansk ee u dhaw Ukraine. Qiyaastii 700 oo taangi ayaa la rumaysan yahay inay hadda halkaa ku sugan yihiin.

Ciidamada Ukraine ayaa difaacyo adag ka sameystay aaggaas, waxaana ay isu diyaarinayaan duullaan xilli kasta uga iman kara Ruushka.

Ciidammada Ruushka ayaa waxa ay dhoolatus ka wadeen Crimea
Qoraalka sawirka,Ciidammada Ruushka ayaa waxa ay dhoolatus ka wadeen Crimea

Belarus

Ciidamo tiro badan oo todobaadkii la soo dhaafay uu Ruushka geeyay dalka Belarus oo xiriir wanaagsan la leh Moscow ayaa walaac xooggan ku abuuray dalalka Galbeedka.

Ruushka iyo Belarus ayaa todobaadyo ka hor shaaciyay in ciidamadooda ay wadajir u sameynayaan dhoolatus milateri.

Waxaa la rumaysan yahay in Ruushka uu ciidamadii ugu badnaa tan iyo dagaalkii qaboobaa uu u diray Belarus, iyadoo uu xoghayaha guud ee NATO, Jens Stoltenberg, ku dooday in ciidankaas ay gaarayaan “30 kun oo ay kamid yihiin kuwa hawlgallada gaarka ah fuliya ee Spetsnaz loo yaqaan iyo diyaaradaha dagaalka ee SU-35.”

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in dhoolatuska oo loogu magac daray “Allied Resolve-2022,” uu qeyb ahaan ka hortagi doono “Cadowga dibedda.”

.
Qoraalka sawirka,.

Crimea

Ruushka ayaa Crimea xoog kula wareegay sanadkii 2014, waxaana ay kamid tahay aaggaga la tuhunsan yahay in xukuumadda Moscow ay u adeegsan karto duullaan ka dhan ah Ukraine.

Muuqaallo lagu duubay satellite ayaa muujinaya in Ruushka uu ciidan iyo hub badan geeyay caasimadda Crimea ee Simferopol.

Isla maalinta muuqaalka la helay ayaa waxaa sidoo kale la ogaaday in Ruushka uu dhowr markab oo dagaal geeyay dekadda ugu weyn Crimea ee Sevastopol. Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa Khamiistii baahisay sawiradda lix maraakiibta dagaalka ah oo ku xirtay dekeddaas.

Ciidanka badda ee Ukraine oo arrintaas ka jawaabaya ayaa sheegay in Ruushka uu aag milateri ka dhigay badda madow, si uu cadaadis u saaro xukuumadda Kyiv iyo caalamkaba. Xigasho:BbcSomali