1 min read

Al-Shabaab oo weeraray Magaalada lamu iyo khasaaraha Weerarkaasi.

Al-Shabaab ayaa markale waxaa ay weerar khasaaro geystay ka fuliyeen tuulo hoostagta Magaalada laamu oo 12-KM ujirta deegaanka Baar Go’an ee gobalka Lamu, waxaana ay ku dileen dad Shacab ah.

Shacabka la dilay ayaa ku sugnaa Guryahooda, waxaana weerarku dhacay, iyada oo dadka ay jiifeen, sida ay sheegeen xubno katirsan laamaha Amniga Magaalada lamu.

Ma jirin saldhig Ciidan oo Al-Shabaab weerareen, balse tuulada la weeraray ay degan yihiin dad Shacab ah, kuwaas oo saameyn weyn uu ku yeeshay weerarka.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Magaalada lamu ayaan si faah faahsan uga hadlin weerarka, waxaana la filayaa in dhawaan ay faah faahin Guud ka bixiyaan.

Al-Shabaab ayaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay kordhiyay weerarada ay ka fulinayaan degaannada u dhow Magaalada lamu, xilli Kenya ay heegan gelisay Ciidamadeeda si ay uga hortagaan weerarada Al-Shabaab.