1 min read

Sababtii ay u baaqatay ciyaartii galabta dhaxmari lahayd kooxaha Horseed VS Jeenyo.

Galabta waxa baaqday kulan dhex mari lahaa kooxaha kubadda cagta ee Horseed iyo Jeenyo oo ku balan sanaa ciyaar ka tirsan koobka Janaraal Daa’uud.

In kastoo illaa hadda wasaaradda ciyaaraha iyo xiriirka kubadda cagta aanu mid kood na ka hadal sababta baajisay kulanka, haddana BBC-du waxay ogaatay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya hogaanka xiriirka kubadda cagta iyo wasaaradda kaas oo keenay in ciyaartu baaqato.

Waxa jiray kulan guddiga arimaha bulshada ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalku ugu yeeray hogaanka xiriirka, balse markii dambe baaqday, taas oo loo malaynayo inuu ka carooday wasiirka ciyaaraha Maxamed Barre.

Wasiirka Ciyaaraha Maxamed Barre oo BBC-du wax ka waydiisay sababta ciyaarta baajisay ayaa ku gaabsaday in arimo farsamo dartood loo baajiyay kulanka.

Illo wareedyo ku dhow dhow xiriirka ayaa BBC-da u sheegay in go’aanka joojinta ciyaarta uu ka yimid wasaaradda ciyaaraha.

Labada dhinac ba waxay ka gaabsadeen in ay si faah faah san uga hadlaan sababta dhabta ah ee baajisay ciyaarta oo boqollaal dadweyne ah ay u soo dhaawasho tagi lahaayeen.