1 min read

Xoghayaha Guud ee QM iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo soo gaaray Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana Garoona diyaaradaha Aadan-Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madax kale.

Antonio Guterres ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho uu kulamo kala duwan la qaato madaxda ugu sareeysa dalka, isaga oo kala hadli doona arrimo dhowr ah.

Waxaa socdaalka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres loo xiray inta badan waddooyinka Caasimadda, iyada oo lagu arkayo Ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya.