1 min read

Maamulka Hir-Shabeelle oo ka shiray Amniga iyo fatahaadaha.

Kusimaha Madaxweynaha Hirshabelle ahna Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Maamulkaas Mahad Xasan Cismaan ayaa kulan laqaatay Maamulka Gobalka Shabellada Dhexe kan degmada Jowhar Xubno katursan labada gole ee Hirshabelle iyo Saraakiil katirsan  ciidamaada Hirshabelle.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan Amniga iyo Fatahaadaha ka dhageystay Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo maalmahan kormeer u kuurgalid ah ku maraayay deegaano ka tirsan gobalka Shabelleada Dhexe .

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in looga baahan yahay hay’adaha gargaarka iyo cid kasta oo wax awooda ay gurmad soo gaarsiiyaan Shacabka Shabeellaha Dhexe oo ay muddo badan heysteen Al-Shabaab.

Kusimaha Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta Amniga iyo Maamulka gobalka Shabellada Dhexe faray inay kordhiyaan Adkeynta Amniga sidoo kalana ay ka hortagaan dhagaraha cadawga ay soo maleegaan.