18 May, 2024
1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Mudane Antony Blinken. Madaxweynaha iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Mareykanka ay siiso […]

1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jaaliyadda Soomaalida Mareykanka uga warbixayay xaalada dalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka, isaga oo la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka Al-shabaab iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha. Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, […]

1 min read

Ciidamada Dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah.

Ciidanka Militeriga Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaano hoos yimaada degmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan. Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka tirsan Golaha Shacabka oo ka qeyb ahaa Howlgalka ayaa sheegay in maanta u suura gashay in ay la wareegaan deegaanada Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey, oo dhammaan hoos yimaada degmada Buula-burde ee […]

1 min read

Faah faahin laga bixiyay Qarax lagu dilay Nabadoono oo ka dhacay G/Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa ka hadashay dad rayid ah oo ay ku jireen Nabadoono oo xalay lagu dilay qarax miino oo ka dhacay deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee Gobolka Hiiraan. Wasaaradda oo faah faahin ka bixisay qaraxa ayaa sheegtay in qaraxa ay ku geeriyoodeen Nabadoonada […]

1 min read

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo sheegay inay dileen 30-xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa howlgal ay ka sameeyeen gobolka Hiiraan, jiho kaga beegan dhanka waqooyi galbeed waxay ku dileen soddon ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab. Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa ku warameysa in ciidamada xoogga dalka ay habeenkii Jimcaha kula dagaalameen deegaan ku dhow dhanka Aboorey Al Shabaab, oo qiyaastii 25-KM dhanka bari kaga beegan […]

1 min read

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo Mareykanka ku amaantay maamulka Biden, kor u qaadista tirada qaxootiga ee sanadlaha ah.

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo katirsan aqalka Congress-ka Mareykanka, ayaa ku amaantay maamulka Biden, kor u qaadista tirada qaxootiga ee sanadlaha ah, taasoo la gaarsiiyey 125,000 oo qof. Sannadkii hore, Joe Biden, ayaa waxa uu qaxootiga la keenayo Mareykanka gaarsiiyey 62,500, taasoo aad uga tiro badan qaxootigii la keeni jiray xiligii maamulkii Madaxweynihii hore ee Mareykanka, […]

1 min read

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qeyb galaya kulan looga hadlayo Amniga Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeybgalaya kulan looga hadlayo arrimaha Amniga oo ka dhacaya Magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Madaxweynaha ayaa warbixinayo arrimaha ammaanka Soomaaliya siin doona dadka ka soo qeyb galaya kulan oo uu soo qaban qaabiyay Machadka Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamka ee magaalada Washington D.C ee dalka Mareykanka. […]

2 mins read

Eritrea oo dib ugu yeertay ciidankeeda keydka si ay u dagaal galaan.

Abaabul ciidan ayaa ka socda dalka Eritrea, kaasoo looggu yeeray ciidanka keydka, illaa da’da 55 jirka, si ay qeyb uga noqdaan unagarba buuxiyaan ciidanka, sida ay wararku sheegayaan. Maalintii Khamiista, qaar badan oo kamid ah dadka ku nool caasimadda Asmara, ayaa ogeysiisyo la siiyay, waxaa saacado gudahood loo qaaday jiidaha hore ee soohdinta uu waddankani […]