1 min read

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Xoghayaha Arimaha Dibadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Mudane Antony Blinken.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Maraykanka Mudane Antony Blinken in lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed qorsheyaasha horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay muhiimada ka hortagga xaalufka deegaanka, dadaalka dowladda Soomaaliya uga hortagayso macluusha, iyo howlgalada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey hay’adda IMF taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.