1 min read

Faah faahin laga bixiyay Qarax lagu dilay Nabadoono oo ka dhacay G/Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa ka hadashay dad rayid ah oo ay ku jireen Nabadoono oo xalay lagu dilay qarax miino oo ka dhacay deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee Gobolka Hiiraan.

Wasaaradda oo faah faahin ka bixisay qaraxa ayaa sheegtay in qaraxa ay ku geeriyoodeen Nabadoonada kala ah, Yuusuf Fiidow iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow, Mukhtaar Xaaji, Xasan Xuseen Lugayare, iyada oo lagu dhaawacay Nabaddoon Axmed Xasan.

“Falkan oo ahaa shirqool iyo dhagar ay kooxda aragagixasadu u dhigeen odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo daayaan shacab beesha ah oo u afduubnaa kooxda Al-shabaab ayaa loo galiyey miino wadadii ay ku safrayeen deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee galbeedka Hiiraan, Nabaddoonnada waxaa ay horay u diideen in ay geeyaan lacago iyo dhalinyaro ay Al-shabaab askareeyaan” ayaa lagu yiri Bayaanka Wasaaradda ka soo baxay.

Warsaxafadeed Hoos ka akhriso:-